Soomaali
Doorashada gobolka Victoria waxaa la qabanaya Sabtida 28-ka bisha Nofeembar .
Yeey Khasab ku tahay inay ka qeyb-qaataan doorashada gobolka?
Dhammaan muwaadiniinta Australia ee da'doodu tahay 18 sano iyo wixii ka weyn, ee ku nool Victoria, waa inay is diiwaangeliyaan si ay uga qeyb-qaataan doorashada Gobolka Victoria.
Haddii aad noqotay muwaadin Australian ah balse aadan weli isdiiwaangelin si aad u codayso, waa inaad isdiiwaangelisaa ugu dambeyn 8-da fiidnimo maalinta Talaadada 3-da bisha Nofeembar .
Dad badan ayaa is diiwaangeliya inta lagu guda jiro xafladaha qofka marka uu noqonayo muwaadin si ay u codeeyaan. Haddii aadan hubin inaad is-diiwaangelisay iyo in kale, waxaad nagala soo xiriiri kartaa 03 9209 0122 si aad u hubiso.
Is-diiwaangeli si aad u codeyso
Waxaad sameyn kartaa inaad Is-diiwaangeliso si aad uga codeyso internetka (af-Ingiriisi) ama waxaad ka heli kartaa macluumaad la fasiray oo ku caawinaya Guddiga Doorashooyinka Australia (Australian Electoral Commission - AEC).
Haddii aad seegto waqtiga kama dambaysta ah ee -is-diiwaangelinta (8-da fiidnimo maalinta Talaadada 3-da bisha Nofeembar ), magacaagu kama dhex muuqan doono liiska dadka codka bixinaya ee xarunta cod-bixinta lagu hayo. Waxaad u sheegi kartaa shaqaalaha doorashada inaad rabto inaad is-diiwaangeliso oo aad codkaaga ka dhiibato xarunta cod-bixinta. Way ku caawin doonaan si aad foom u buuxiso.
Hubi ama cusbooneysii macluumaadkaaga
Marka laguugu daro liiska dadka codeyn kara, waa inaad xogtaada cusbooneysiisaa. Mar kasta oo aad guri ka guurto, waa inaad cusbooneysiisaa xogtaada diiwaangelinta. Haddii aad beddeshay magacaaga ama aad dhawaan guurtay, waa inaad cusbooneysiisaa xogtaada ka hor inta aan la gaarin 8-da fiidnimo maalinta Talaadada 3-da bisha Nofeembar .
Waxaad samayn kartaa inaad diiwaangelintaada ka cusbooneysiisid khadka internetka (oo ku qoran Ingiriis) si aad u cusboonaysiiso address-kaaga ama aad u beddesho magacaaga.
Ma Khasab baa inaan codeeyo?
Haa. Haddii aad iska diiwaangelisay Victoria, waa inaad codeysaa. Haddii aadan codeyn, waxaa laga yaabaa in lagu ganaaxo $105 haddii aysan jirin sabab macquul ah.
Sida loo codeeyo
Xilli hore codee
Qof kasta ayaa codeyn karo xilli hore doorashadan; uma baahnid inaad qiil heysato ama inaad buuxiso foom dheeraad ah.
Xarumaha laga codeyn karo goor hore waxay furnaan doonaan laga bilaabo Arbaco 18-ka bisha Nofeembar ilaa Jimcaha 27-ka bisha Nofeembar laga bilaabo 9-ka subaxnimo ilaa 6-da galabnimo . Xarumaha goor hore laga sii codeyn karo way xirnaan doonaan Axada, 22-ka bisha Nofeembar .
Codkaaga dhiibo maalinta doorashada
Xarumaha codbixinta maalinta doorashada waxay furnaan doonaan Sabtida 28-ka bisha Nofeembar inta u dhaxeysa 8-da subaxnimo iyo 6-da galabnimo .
Ka hel xarunta cod-bixinta ee kuugu dhow boggan internetka laga bilaabo Arbacada, 4-ta bisha Nofembar.
Dhammaan xarumaha cod-bixinta waxaa ooli doona tilmaamaha cod-bixinta oo ku qoran 29 luqadood.
Shaqaalaha qaar ee ku sugan goobaha cod-bixinta ayaa laga yaabaa inay ku hadlaan luuqado kale iyo luuqada ingiriiskaba. Waxay xiran doonaan calaamad muujinaysa luuqadaha ay ku hadlaan.
Ku codee boostada
Waxaad online-ka ku codsan kartaa in waraaqahaaga codbixinta lagugu soo diro boostada doorashadan.
Waxaad codsan kartaa inta u dhaxaysa Arbacada 4-ta bisha Nofeembar iyo 6-da galabnimo ee Arbacada 25-ka bisha Nofeembar.
Waxaan boostada kuugu soo diri doonnaa waraaqaha cod-bixinta laga bilaabo Talaadada, 10-ka bisha Nofeembar. Buuxi waraaqaha codbixinta oo dib ugu soo dir baqshadda lacagteeda horay loo bixiyay ka hor intaan la gaarin 6-da galabnimo ee Sabtida, 28-ka bisha Nofeembar.
Sida loo buuxiyo warqadda codbixinta
Si codkaagu u noqdo mid tirade lagu darsaday, waa inaad si sax ah u buuxisaa labadaada warqadood ee codbixinta.

Warqadda yar ee loogu codeynayo aqalka hoose:
- Ku qor 1 sanduuqa ku dhagan magaca qofka aad rabto inuu guuleysto.
- Ku qor 2 sanduuqa ku dhagan magaca qofka kuu ah xulashadaada labaad.
- Ku qor 3 sanduuqa ku dhagan magaca qofka kuu ah xulashadaada saddexaad
- Sii wad nambarada ilaa dhammaan sanduuqyada ay helaan nambaro.
- Isticmaal nambaro oo keliya.

Warqadda weyn ee loogu codeynayo aqalka sare waxaad sameyn kartaa inaad:
- U codeeyso kooxaha leenka korkooda ah adigoo nambaro ku qoraya ugu yaraan shan sanduuq oo aad u kala dooraneyso siday kuugu kala muhiimsan yihiin
ama - U codee musharrixiinta shakhsiga ah ee leenka ka hooseeya adigoo nambaro ku qoraya ugu yaraan shan sanduuq oo aad u kala dooraneyso 1 ilaa 5 siday kuugu kala muhiimsan yihiin.
- 5 nambar ka badan waad xulan kartaa hadaad doonto, laakiin waa inaad ugu yaraan 5 nambar qortaa si codbixintaada loo tixgeliyo.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo codeeyo
Ma waxaad ku sugan tahay meel ka baxsan Victoria?
Haddii aad ka maqnaan doonto Victoria inta u dhaxaysa Arbacada 18-ka bisha Nofeembar iyo Sabtida 28-ka bisha Nofambar, weli waad codayn kartaa. Waxaad awoodaa inaad:
- Toos uga codeyso xafiisyada guddiga doorashada ee ku yaal gobol kasta oo Australia ka tirsan.
- Toos uga codee xarun kasta oo cod-bixineed oo dalka dibaddiisa ku taal.
- Codso inaad boostada ku codeyso, ka dibna warqadahaaga codbixinta ee aad buuxisay dib noogu soo dir.
- Codso inaad boostada ku codeyso, kadibna waraaqaha codbixinta dib ugu soo celi goobta kuugu dhow ee dalka dibaddiisa ku taal.
Xarumaha cod-bixinta ee gobollada kale iyo goobaha waraaqaha codbixinta le geeyo ee dalka dibaddiisa ah waxay furan yihiin oo keliya saacadaha la shaqeeyo. Lagama codeyn karo maalinta doorashada (Sabtida, 28-ka bisha Nofeembar) xarumaha cod-bixinta ee gobollada kale ama goobaha waraaqaha codbixinta la geynayo ee dalka dibaddiisa ah.
Nala soo socodsii haddii aad maqnaan doonto.
Haddii aad ka maqnaan doonto Victoria inta u dhaxaysa Arbacada 18-ka bisha Nofeembar iyo Sabtida 28-ka bisha Noofambar, oo aadan awoodin inaad codkaaga dhiibato waqti hore ama aad boostada ku codeyso, waxaad nagu soo wargelin kartaa ka hor inta aadan dhoofin.
Waxaa jira saddex siyaabood oo aad wax kasta noogula soo socodsiin karto:
- Soo wac >03 9209 0122 si aad noola hadasho ayadoo turjubaanna laguu qabanayo
- Isticmaal Hubi diiwaangelintayda in aad u buuxiso foomka ka-maqnaanshaha Victoria (oo ku qoran Ingiriisi)
- Haddii aad si ku meel gaar ah ama aad waligaaba ugu maqnaan doonto gobol kale ama dalka dibaddiisa, waxaad buuxin kartaa Foomka ogeysiiska dibadda (oo ku qoran Ingiriis) oo laga heli karo AEC-da .
Ogeysiiska loogu talagalay cod-bixiyaha
Ogeysiiska loogu talagalay cod-bixiyaha waa adeeg lacag la’aan ah oo lagugu xasuusinayo doorashada, kaas oo adeegsada fariimaha qoraalka ah (SMS) iyo iimaylka. Waxaad heli kartaa wararkii ugu dambeeya ee doorashada iyo xasuusin ku saabsan codeynta (oo ku qoran luqadda Ingiriisiga).
Is-diiwaangeli si aad u hesho ogeysiiska loogu talagalay cod-bixiyaha
Yay yihiin dadka u taagan doorashada?
Waxaad arki kartaa dadka u taagan doorashada deegaankaaga laga bilaabo Arbacada 4-ta bisha Nofeembar (af-Ingiriisi).
U tartan doorasho
Haddii aad rabto inaad u tartanto doorashada, waa inaad is-sharraxdaa.
Isu-sharaxida doorashada waxay furmaysaa Arbacada 4-ta bisha Nofeembar, waxayna xirmaysaa Isniinta 9-ka bisha Nofeembar saacadda marka ay tahay 12-ka duhurnimo:
Hel xog dheeraad ah oo ku saabsan sida aad isugu sharixi karto doorashada (oo ku qoran Ingiriisi)
Shaacinta deeq
Muwaadin kasta oo Australian ah, qof kasta oo degan Australia, iyo urur kasta oo leh lambar ganacsi leh ayaa Victoria gudaheeda ku bixin kara tabarucaad siyaasadeed. Lambarrada ganacsiga waa:
- Lambarka Ganacsiga ee Australia (ABN)
- Lambarka Shirkadda Australia (an Australian Company Number - ACN).
Qofka wax ku deeqayaa ma bixin karo lacag ka badan $5,190 oo la siinayo hal qof inta u dhaxaysa 15-ka bisha Abriil iyo 28-ka bisha Nofeembar 2026. Haddii aad bixiso ama aad hesho deeq siyaasadeed oo dhan $1,290 ama ka badan, waa inaad arrintaas soo sheegtaa adigoo isticmaalaya nidaamkeena internetka. Soo sheegista VEC. Waa inaad arrintan samaysaa muddo 21 maalmood gudahood ah laga bilaabo wakhtiga deeqda la bixiyay. Haddii aad samayso laba deeq ama ka badan oo midkiiba uu yahay $1,290 ama ka badan, waa inaad caddaysaa deeq kasta.
Akhri macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan deeqaha siyaasadeed (oo ku qoran Ingiriisi)
Maxaa dhacaya haddii aadan codeyn?
Haddii aanaan helin diiwaan muujinaya inaad codeysay, waxaan kuu soo diri doonnaa warqad aan kugu weydiinayno inaad codeysay iyo in kale.
- Haddii aad codeeysay, noo sheeg halkii aad codkaaga ka dhiibatay si aan diiwaankeena uga eegno.
- Haddii aadan codeyn, noo sheeg sababta.

Waxaad ogeysiiskan uga soo jawaabi kartaa khadka internetka, ama warqad aad soo dirto ama iimayl..
Haddii aadan kasoo jawaabin, ama aadan haysan sabab macquul ah oo aad u codeyn waysay, waxaa laga yaabaa inaad bixiso ganaax dhan $105.
Macluumaad dheeraad ah
Haddii aad qabto su'aal ku saabsan doorashada gobolka ee sanadka 2026, wac >03 9209 0122 si aad noola hadasho ayadoona turjubaan laguu qaban doono.