How to respond to an 'Apparent failure to vote' notice
Video transcript
Hello, magacaygu waa Omar. Anigu Waxaan ahay Safiirka Dimuqraadiyadda.
Waxaan u shaqeeyaa Guddiga Doorashada Victoria.
Bishii Nofeembar, waxaan qabanay doorashadii Gobolka Victoria, dhammaan muwaadiniinta Australiyaanka ah ee ka diiwaangashan liiska doorashada waxay ahayd inay codeeyaan.
Haddii VEC aysan hayn diiwaanka codbixintaada, waxaa laga yaabaa inaad heshid warqad lagugu weydiinayo sababta aad u codeyn weyday.
Taasi ma aha ganaax.
Bashqadda dhexdeeda, waxaad ku jiri doonta:
Foom.
Tilmaamo ku qoran luuqado badan.
Iyo bashqad lagu soo dirayo jawaabta oo lacagteeda hore loo sii bixiyay.
Foomka, waxaa lagugu weydiin doonaa inaad codeysay iyo in kale.
Haddii aad codaysay, fadlan noo sheeg goorta iyo goobta aad ka codaysay.
Haddii aadan codeyn, waa inaad sharaxdaa sababta aadan u codeyn.
Waxaad haysataa 28 maalmood laga bilaabo taariikhda aad heshay warqaddan si aad noogu soo sheegto haddii aad codaysay iyo haddii kale.
Ku rid foomkan bashqadda loogu talagalay in jawaabta lagu soo diro kuna soo dir sida ugu dhakhsaha badan.
Fadlan ha ka aamusin warqadda. Haddii aadan kasoo jawaabin, waxaa laga yaabaa in lagu ganaaxo.
Haddii aad u baahan tahay caawimaad si aad u buuxiso foomka, fadlan wac 03 9209 0108 nambarka adeega turjubaanka ama booqo websaydkayaga vec.vic.gov.au oo dooro astaanta turjubaanka.
Macluumaadka Somaliga
Haya’dda Victorian Electoral Commission (VEC) waxay qabataa:
- Doorashooyinka Dowlad-goboleedka ee Victoria
- Doorashooyinka Dowladaha Hoose ee Victoria
- Doorashooyinka haya’daha kale.
Ma inaan is diiwaan galiya?
Waa inaad isku diiwaan galisaa kuna codaysaa cinwaanka aad ku nooshahay: Waa inaad:
- tahay muwaadin Australian ah iyo
- Inaad jirto 18 sano iyo waxii ka sareeya iyo
- Inaad ku noolayd cinwaankaaga hada ah ee Victoria ugu yaraan hal bil.
Sidee laysku diiwaan galiyaa
Buuxi foomka is-diiwaan galinta Ingiriisiga ah (PDF, 1.3MB)
Foomka isdiiwaan galinta waxaa lagu akhrin karaa luqada aad ku soo download-garayso lakiin waxuu ku daabcayaa Ingiriisi. Markaad Foomka buuxinayso waa inaad wax ku qortaa Ingiriis.
Ma u baahan thay turjumaan?
Hadaad u baahato macluumaad dheeri ah waxaad la xiriiri kartaa VEC adoo ku kaashanya turjumaan Teleefonka (03) 9209 0108.
Nala soo xiriir
VEC waxay ku taalaa Dabaqa 11aad, 530 Collins Street, Melbourne, Victoria 3000.
Waxad ka waci kartaa VEC 131 832, ugu dir E-mail info@vec.vic.gov.au ama naga soo Fax-garee 9629 8632.
Haddii aad jirto waddanka dibadiisa, soo wac +613 8620 1100.